LSK oo sharci darro ku tilmaantay go’aankii maxkamadda sare looga mamnuucay garyaqaan Axmadnaasir

0
158

Madaxa ururka qareennada dalka ee (LSK) Eric Theuri ayaa dhaliilay go’aanka maxkamadda sare ee ka dhanka ah garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullaahi.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa garyaqaanka ka mamnuucday inuu maxkamadda Supreme Court dacwado u gudbiyo ama uu macaamilkiisa ku matalo.
Eric Theuri ayaa go’aanka maxkamadda sare ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Bayaan uu soo saaray madaxa LSK, ayuu ku caddeeyay in maxkamadda sare aysan awood sharci u lahayn in go’aankaasi ay soo saarto.
Madaxa LSK ayaa intaasi ku daray in go’aanka maxkamadda uu jebinaya mabda’a xaqa ee garyaqaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ururka LSK uu maxkamadda u gudbin doona codsi uu ku doonayo inay ka laabato go’aankaasi.
Garyaqaan Axmadnaasir ayaa xubin ka ah ururka qareennaada dalka ee LSK.
Garyaqaanka ayaa marar badan maxkamdda sare ku eedeyay falal musuqmaasuq ah.