Ururka qareennada dalka ee (LSK) ayaa wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mithika Linturi ugu baaqay inuu qaado tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah shakhsiyaadka lala xiriirinaya bacriminta tayo ahaan hooseysa.
Waxaa uu ururkan wacad ku maray inuu maxkamadda geyn doono dacwad ka dhan ah dowladda haddii aynan labo toddobaad gudahooda lacago magdhow ah siin beeralayda laga iibiyay bacrimintan.
Madaxa ururka qareennada wadanka ee LSK ,Faith Odhiambo ayaa sheegtay in ay qasab tahay in lala xisaabtamo wasiirka beeraha ee dalka Mithika Linturi, guddiga bakhaarka qaran ee lagu kaydiyo dalagga ee NCPB, shirkadda taya-dhowrka badeecooyinka ee dalka ee KEBS iyo sarkaal kasta oo dowladeed oo qayb ka ahaa qaybinta bacriminta.
Faith Odhiambo ayaa dhammaan beeralayda wadanka ku boorrisay in tabashooyinkooda la xiriira bacriminta shakiga la geliyay tayadeeda ay ka diiwaangeliyaan xafiis goboleedyada LSK.
Ururka ayaa doonaya inuu macluumaadka ay bixiyaan beeralayda u adeegsado in isagoo iyaga matalaya uu dacwad maxkamadeed ka gudbiyo dowladda.
Madaxa LSK ayaa sheegtay in beeralayda uu khasaare ka soo gaaray dayacaad mas’uuliyadeed, karti la’aan shaqo iyo eedeymo la xiriira khiyaano iyo musuqmaasuq.
Waxay wasiirka beeraha ee dalka ku dhaliishay in uunan tallaabo qaadin iyo inuu eedeyn u jeediyay wariyaal fadeexaddan shaaca ka qaaday.