LSK oo doonaysa in booliiska ay faahfaahiyaan dhimashooyinka dibadbaxayaasha iyo dadka ay xiraan

0
336

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa warqad u qoray booliiska wuxuuna dalbanaya in faahfaahin laga bixiyo tirada dadkii loo xiray dibadbaxyadii mucaaradka ee wadanka ka dhacay.
Sidoo kale LSK ayaa doonaysa in booliiska ay cadeeyaan tirada dadka ku nafwaayay mudaaharaadyada iyo sababaha geeridooda iyadoo lagu saleynaya dokumeentiyada baaritaannada meydadka.
Ururka qareennada waxaa uu sidoo kale dalbanaya magacyada dadkii la dilay tan iyo markii ay soo billowdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda dhexe.
LSK ayaa laamaha ammaanka ee dalka u qabatay muddo toddobaad ah oo ay macluumaadkan kula wadaagayaan.
Madaxa ururka qareennada dalka ,Erick Theuri ayaa sheegay inay xogtan u adeegsan doonaan qaadidda tallaabooyinka sharciyeed ee ka dhanka ah booliiska ku xadgudbay xuquuqda dibadbaxayaasha ee adeegsaday falcelinta xad dhaafka ah.