LSK oo dalbatay in la baaro shakhsi sheeganaya inuu qareen yahay

0
330

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa doonaya in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay dabagal ku sameyso Brian Mwenda Njagi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in qofkan uu sheegto inuu yahay qareen la shaqeeya maxkamadda sare ee wadanka taasoo aan sax ahayn.
Waxaa digniintan soo saartay laanta LSK ee ismaamulka Nairobi iyadoo dadweynaha lagu boorriyay inay feejignaadaan.
Qoraalka ururkan waxaa ku cad in Brian Mwenda Njagi uunan la shaqeyn maxkamadda sare ee dalka sidoo kalena uunan ka mid ahayn xubnaha LSK.