Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada dalka ee LSK ayaa cambaareeyay dhacdooyin wariyaal lagu bartilmaameedsaday intii ay socdeen dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya.
Madaxa LSK Eric Theuri ayaa weerarrada lala eegtay wariyaasha ku tilmaamay mid badowtinnimo ah oo dalka u horseedaysa dib u dhac.
Mr. Theuri ayaa sheegay in taliyaha guud ee booliiska dalka Japheth Koome laga doonayo inuu mas’uuliyadda qaato.
Waxaa uu madaxa LSK sheegay in warbaahinta lagu hayo cabsi gelin maadaama ay ka hor tagayaan in booliiska ka falcelinaya mudaharaadyada ay adeegsadaan awood xad-dhaaf ah.
Dhanka kale golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa sheegay in shalay ugu yaraan 6 wariyaal ah la dhaawacay xilli ay tabinayeen wararka dibadbaxyada ka dhacayay aagga Kware ee xaafadda Pipeline oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Koonfurta Embakasi.
Madaxa fulinta MCK David Omwoyo ayaa bayaan ku sheegay in wariyaasha la bartilmaameedsaday badankoodu ay ahaayeen sawir qaadayaal.
Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya askari aan ku labisnayan dareeska rasmiga ee ciidamada oo burburinaya daaqadda baabuur ka hor inta aan la adeegsan sunta dadka ka ilemysiisa.
Agaasimaha tababarrada iyo horumarinta warbaahinta ee golaha MCK Victor Bwire ayaa sheegay inay guda galayaan dacwad ka dhan ah adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Bwire ayaa laga soo xigtay in saraakiisha booliiska ay si ula kac ah u dhibaateeyeen suxufiyiin gudanayay waajibaadkooda shaqo.
David Omwoyo ayaa sheegay inay khalad tahay in la weeraro qof suxufi ah oo ku guda jiro howlihiisa shaqo oo ay ka mid tahay inuu dadweynaha ku wargeliyo dhacdooyinka taagan.
MCK ayaa bishan Saddexaad ee sanadkan 2023-ka ku tilmaantay midda ugu madow marka la eego taariikhda suxufiyiinta wadanka.
Golaha ayaa ilaa iyo hadda diiwaangeliyay 25 dhacdo oo lagu weeraray wariyaal isugu jiro kuwo maxalli iyo kuwo shisheeye.
MCK ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji ka codsatay inuu amro baaritaano degdeg oo ku aaddan bartilmaameedsiga wariyaasha.
Waxaa sidoo kale bartilmaameedsiga wariyaasha cambaareysay safiirka Maraykanka ku matasha Kenya Ambasadoor Meg Whitman.