LSK iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo cambaareeyay howlgelinta saraakiisha wajiyada u xirnaa

0
198

Ururka Qareenada dalka ee LSK iyo Kooxda Howlgelinta Dib u habaynta Booliiska ee PRWG ayaa dowladda ku eedeeyay in ay geysay ciidamo boolios ah oo wajiyada u xiran, taas oo xad gudub ku ah Dastuurka, intii lagu jiray mudaaharaadyadii Saba Saba ee dhacay Isniintii shalay.
War qoraal ah oo ay soo saareen labada hay’adood ayay ku sheegeen in soo daabulidda saraakiil aad u hubeysan oo wata aqoonsiyo qarsoon ay jabinayso sharciga iyo ammarrada maxkamadaha ee jira.
Waxaa ay ku doodeen in adeegsiga askartan wajiyada u xiran, ee wato baabuurta aan calaamadda lahayn, isla markaana sita hub heer militari ah, ay ku xad gudbeen qodobka 37-aad ee Dastuurka, Xeerka Adeegga Booliiska Qaranka iyo Xeerka Nidaamka Dowladnimo.
Kooxaha ayaa waxaa ay dhaleeceeyeen adeegsiga awood xad dhaaf ah, oo ay ku jiraan mashiinnada biyaha ee loo isticmaalo dadka isugu soo baxay meelaha sida deegaanada Kitengela iyo Kikuyu.
Waxaa ay sheegeen in militariga dalka la geeyay deegaanada Kayole iyo Naivasha, taas oo kor u qaadaysa walaac badan oo ku saabsan sida militariga loogu adeegsanaayo dibadbaxyada dadweynaha.
Waxaa ay sidoo kale dhaleeceeyeen fashilka dowladda ee ah in ay difaacdo dadka mudaaharaadaya iyo kuwa ka agdhawaa, iyaga oo sheegay in kooxo hubaysan ay weerareen dad rayid ah iyo goobo ganacsi iyada oo aanay booliiska faragelin.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgallada meelaha qaar ay dadka ka dhigeen mid aan suurtagal ahayn in ay helaan gargaar caafimaad oo degdeg ah, gaar ahaan xaafadaha ay dadka ku badan yihiin ee Nairobi.
Waxaa ay sidoo kale eedeen u jeediyeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dhigiisa Adeegga Dadweynaha oo hore u ballanqaaday in la fududayn doono mudaaharaadyada, oo saraakiisha ammaanka aysan awood isticmaali doono.
Guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Kenya KNCHR ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 10 qof la toogtay intii ay socdeen dibadbaxyada, halka Adeegga Qaran ee Booliiska uu sheegay in dhimashada ay marayso 11 qof.
Bannaan baxa ee Saba Saba oo ka dhacay 20 ka mid ah 47-da gobol ee uu dalka ka kooban yahay, ayaa waxaa ay qayb ka ahaayeen sannad-guuradii 35-aad ee maalinta Saba Saba, oo ah maalin lagu xusayo mudaaharaadyadii 1990-kii oo door muhiim ah ka qaatay la dagaalanka dimuqraadiyadda iyo siyaasadda xisbiyada badan ee Kenya.
Degmooyinka ay dhibaatada ka dhacday waxaa ka mid ah Nairobi, Kajiado, Nyeri, Mombasa, Kisii, Embu, Kisumu, Kiambu, Meru, Nakuru, Nyandarua, Vihiga, Narok, Kirinyaga, Uasin Gishu, Tharaka Nithi, Makueni, Laikipia, iyo Kakamega.