Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay halka 4 qof ay ku dhaawacmeen habeenkii Talaadada shil gaari oo ka dhacay deegaanka Kipsitet ee dowlad deegaanka Kericho ee ku teedsan waddada weyn ee xiriirisa ismaamullada Kisumu iyo Kericho.
Shilkan ayaa dhacay abaare 10-kii habeenimo kadib markii gaari xawli ku socday uu koontaroolkii ka lumay islamarkaana uu jiiray dad wadada marayay iyo kuwa ku sugnaa boostajada mataatuuda.
Sida uu sheegay Taliyaha booliiska maamul hoosaadka Sion Lawrence Kisini, gaariga shilka geestay ayaa agab ka soo qaaday Kericho kuna sii jeeday Kisumu markii uu shilka dhacay.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in afar qof ay isla goobta ku geeriyoodeen halka labo kalena ay dhinteen iyagoo isbitaalka loola sii wado. Waxaa uu intaa ku daray in afar qof ay soo gaareen dhaawacyo halis ah haatane lagu dhaweynaayo isbitaalka guud ee Kericho.
Meydadka dadka geeriyooday ayaa sidoo kale la dhigay qaybta meydadka ee isla xaruuntaas caafimaad.
Saraakiisha dambi baarista ayaa bilaabay baaritaano lagu xaqiijinayo sababta ugu weyn ee shilka keentay.
Shilka Kipsitet ayaa sii kordhinaya tirada shilalka ee dalka oo dhan ka dhacay isbuucii la soo dhaafay. Maalin ka hor, ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay waddada weyn ee isku xirta Nairobi iyo Mombasa.