Lix qof oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun militari oo ku taal Peshawar ee dalka Pakistan.

0
347

Saddex qof oo is qarxiyay ayaa weeraray xarunta ciidamada milatariga ee magaalada Peshawar ee dalka Pakistan, iyagoo dilay ugu yaraan saddex askari oo amniga ka tirsan, dhowr kalena dhaawacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.
Wargeyska maalinlaha ah ee The Dawn ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday xarunta dhexe ee ciidamada federaalka (FC) uu dhacay subaxnimada Isniinta maanta ah ,iyadoo mid ka mid ah dagaalyahannadu uu isku qarxiyay albaabka xarunta.
Wadar ahaan dadka ku dhintay ismiidaamintan ayaa dhan 6 ruux oo ay ku jiraan kooxdii weerarka fulisay.