Lix qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada isku xirta Londiani iyo Muhoroni

0
383

Lix qof ayaa ku dhintay halka 46 kalena ay ku dhaawacmeen shil gaari oo subaxnimadii saaka ka dhacay deegaanka Tunnel ee ku yaalla waddada isku xirta Londiani iyo Muhoroni.
Shilka ayaa dhacay kaddib markii bas ay saarnaayeen rakaab, kana tirsanaa Uwezo Sacco, uu ku dhacay gadaasha gaari xamuul ah sababo aan weli caddayn. Labada gaari ayaa ku sii jeeday dhanka magaalada Kisumu.
Shanta qof ee rakaabka ah iyo darawalkii baska ayaa ku dhintay goobta shilka. Soddon qof oo kale ayaa dhaawacyo culus soo gaaray, waxaana loola cararay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla ismaamulka Kericho, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbitaallada Londiani iyo Fortenan.
13 qof ayaa soo gaaray dhaawacyo fudud, halka qaar kale ay ka badbaadeen shilka iyagoo aan waxyeello soo gaarin, kadibna lagu daaweeyay goobaha caafimaadka laguna fasaxay.
Booliiska ayaa sheegay in baaritaanno la billaabay si loo ogaado sababta dhabta ah ee keentay shilka, iyadoo weli la ururinayo xogta ku saabsan dhacdada. Qalabka gaadiidka burburay ayaa loo qaaday saldhigga booliiska ee Fortenan.