Lix qof oo ku dhimatay shil uu galay baabuur ambalaas ah oo ay sarnayeen

0
505

Shil naxdin leh oo ay gashay gaari ambalaas ah ayaa galaaftay noolasha dhammaan 6-dii qof ee sarnaa.
Sida ay wararku sheegayaan bukaanka ay waday ambalaasta, ninkeeda, laba qof oo qaraabo la ah, kalkaaliye caafimaad iyo darawalkii ambalaasta ayaa dhamaantood ku dhintay shilkan oo ka dhacay agagaarka Kimende ee ku teedsan waddada isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga ambalaasta oo oo laga leeyahay isbitaalka St Mary’s Elementaita uu si xowli ah ku socday xilliga uu shilka galay.