Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa dib u eegis ku sameeyay liiska shakhsiyaadka daneynaya inay noqdaan xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Liiskan ayaa ka koobnaa 224 ruux balse magacyada dad dheeraad ah ayaa lagu kordhiyay tani oo ka dhigaysa 240.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday guddoomiyaha PSC Anthony Muchiri.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah kama uunan bixin dib u eegista la sameeyay .
Shakhsiyaadka magacyadooda lagu kordhiyay liiskii hore waxaa ka mid ah Benjamin Washinali oo horay u soo noqday xildhibaanka bariga Mumias.