Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in maalinka Talaadada ee isbuuca dambe la shaacin doono qaabka loo xushay ardayda ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee wadanka.
Magoha ayaa sheegay in hadda la gabagabeynaya barnaamijka ardayda sameeyay imtixaanka KCPE-da looga diiwaangelinaya dugsiyada sare.
Waxaa uu ku celceliyay in howshan si caddaalad ah loo wajihi doono iyadoo dugsi walbo ay wax ka dhigan doonaan arday ka soo jeedo ismaamullada kala duwan ee dalka.
Wasiir Magoha ayaa sidoo kale sheegay in weli ay socoto saxidda warqadaha imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo uu rajeynaya in natiijada la soo saaro dhammaadka bishan.
EDUCATION Cabinet Secretary Prof. George Magoha in his tour at Kenya High School in Nairobi explains the procedure used for Form One selection process for #KCPE2021 candidates. pic.twitter.com/hno8e3uUHK
— EduMinKenya (@EduMinKenya) April 6, 2022




