Libya oo beenisay in ay soo dhaweyn doonto dadka laga soo musaafuriyo Mareykanka

0
491

Mas’uuliyiinta Liibiya oo ah dal weli kala qaybsan oo ay sannado badan dagaallo sokeeye ah ka socdeen, ayaa beeniyey wararka sheegaya inay qaabili doonaan muhaajiriin aan sharciyeysnayn oo uu Maraykanku soo tarxiillayo.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in duullimaadyada masaafurinta ee ka imanaya Maraykanka ay toddobaadkan bilaaban karaan.
Liibya oo arrintaan qeylo dhaan ka soo saartay ayaa sheegtay in aysan qaabili Karin dadka la soo tarxiilo sababo ammaan oo la xarriirtaa xaaladaha dalka Libya ka jirta.