Codbixiyeyaasha dalka Lesotho ayaa maanta ka qayb qaatay doorasho baarlamaani ah.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in xisbiga talada haya loogaga guulaysan karo tartanka ka dib xasilooni siyaasadeed oo wadankaasi ka jirtay muddo sanado ah.
Codeynta ayaa ka soo hor martay isbeddello ay xildhibaannada baarlamaanka doonayeen inay ku sameyaan xeerarka dalkaasi.
Xisbiga ABC ayaa talada Lesotho oo dhacda Koonfurta Afrika hayay tan iyo sanadkii 2017.
Wadankaasi oo ay ku nool yihiin ilaa 2.14 milyan oo qof ayaa kala qaybsanaan soo kala dhex gashay xisbigan waxay sababtay in shan sano gudahooda la soo magacaabo labo ra’iisul wasaare.




