Lebanon oo walaac ka muujisay qulqulka qaxootiga Syria

0
195

Ra’iisul Wasaaraha dalka Lebanon ,Najib Mikati ayaa walaac ka muujiyay tirada qaxootiga ka soo jeeda dalka Syria ee wadankaasi gaaraya iyagoo ka gudbaya marinno sharci darro ah.
Waxaa uu shirka golaha wasiirrada ka sheegay in tani ay Lubnaan u horseedi karto xaalado adag.
Mikati ayaa arrin laga xumaado ku sheegay in qaxootiga badankoodu ay yihiin carruur iyo haween.
Kumanaan ka mid ah qaxootiga Syria ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay gudaha u galayay Lubnaan iyadoo tirada la diiwaangeliyay tan iyo billowgii sanadkan ay tahay 20,000 .
Toddobaadkan gudihiisa , ciidamada militariga ee Lebanon ayaa 1,200 oo qaxooti Suriyaan ah ka hor istaagay inay dalkaasi galaan halka toddobaadkii hore tirada dadka ee iskudaygan sameeyay ay ahayd 1,100 qof.