Lamu: 3 qof oo la la’yahay ka dib markii maleeshiyaad looga shakisan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen baabuur

0
297

Waxaa lagu soo warramayaa in 3 qof la la’yahay ka dib markii baabuur ay saarnaayeen ay soo weerartay koox looga shakisan yahay Al-Shabaab.
Gaariga la weerraray ayaa la sheegay inuu marayay inta u dhexeysa waddada isu xirta Witu oo ka tirsan ismaamulka Lamu iyo deegaan baarlamaaneedka Garsen ee dowlad deegaanka Tana River.
Labo ka mid ah dadkii saarnaa babuurka la weerarray ayaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobta weerarka laga gaystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof la helay iyagoo badqaba.
Dhowr baabuur oo marayay inta u dhexeysa waddada xiriirisa magaalooyinka Mombasa iyo Lamu ayaa dableyda saaka ku weerareen deegaanka Koreni ee ismaamulka Lamu.