Lacagaha aqoonsiyada qaran ee Kenya oo la kordhiyay

0
612

Dowladda dhexe ee Kenya ayaa kordhisay lacagaha la bixiya ee dokumentiyada aqoonsiyada qaran ee dalka.
Dokumentiyada lacagahooda la kordhiyay waxaa ka mid ah, baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga qaran ee loo yaqaano kibaandaha.
Qofka doonaya inuu codsado baasaboor cusub ayaa wuxuu bixin doona lacag dhan 7,500 oo shilin iyadoo qiimihii hore ay ahayd 4,500.
Qiimaha uu bixinayo qofka uu ka lumay kaarka aqoonsiga qaran ee ID-card ayaa marka uu soo cusbooneysiinaya bixin doona lacag dhan 2,000 oo shilin halka qiimihii hore la bixin jiray 100 shilin.
Qofka cusub ee doonaya in kaarka aqoonsiga qaran ee kibaandaha ayaa laga qaadi doona lacag diiwaangelin ah oo dhan 1,000 shilin sida uu sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.