Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada taraafikada ee dalka oo loo xiray Laaluush

0
105

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) ayaa xiray laba sarkaal oo ka tirsan booliiska taraafikada oo ka hawlgalayay Saldhigga Taraafikada ee Diani iyagoo lagu eedeeyay inay laaluush ka dalbanayeen darawallada adeegsada wadada isku xirta Likoni iyo Lungalunga.
Xariga ayaa ka dambeeyay baaritaan ay samaysay EACC oo ay ka dhalatay cabashooyin badan oo ka yimid darawallada iyo dadweynaha oo ku saabsan lacago xad dhaaf ah oo ay saraakiisha ka qaadayeen.
Intii howlgalka socday, Booliska ayaa lagu soo waramayaa in lagu qabtay iyagoo laaluush ka dalbanaya darawallada, iyagoo aan sameyn wax baaritaan ah oo ku saabsan gaadiidka ama aan fulin xeerarka taraafikada.
Saraakiisha la xiray ayaa lagu kala magacaaba
Agnes Longoet iyo Alphanus Anayo.
Sanadihii la soo dhaafay waxaa ay cabashooyiin badan ka soo yeeraysay wadada muhiimka ah ee isku xirta Mombasa iyo Kwale.
Toddobaadkii hore, dowladdu waxay billowday olole qaran oo lagu xakameynayo taraafikada taasoo qayb ka ah tallaabooyinka amniga iyo badbaadada waddooyinka ee la xoojiyay xilli fasaxeedkan.
Dowlada ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto badqabka wadooyiinka iyo ka hortaga arrimaha Musuqmaasuqa ah.
Xukumada ayaa bartilmaameedsanaysa wadooyiinka ugu waaweyn ee dalka.
Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in Hay’adda Qaranka ee Gaadiidka iyo Badbaadada (NTSA), oo kaashaneysa Waaxda Booliska Taraafikada, ay billowday hawlgal isku-dubarid ah oo diiradda lagu saaraya waddooyinka khatarta badan iyo waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka qaranka.