Labo qof oo uu ka mid yahay wakiil ka tirsan ismaamulka Isiolo oo lagu qabtay xashiish

0
353

Waxaa xabsiga loo taxaabay labo eedeysanayaal oo loo haysto ka ganacsiga maandooriyaha gaar ahaan xashiishka.
Labadan qof midkood ayaa ah wakiil ka tirsan golaha hoose ee ismaamulka Isiolo.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu kala magacaabaa Cabdullahi Golicha Meja oo ah wakiilka deegaanka hoose ee Chari oo 27 sano jir ah iyo Nura Cabdi Diba oo 25 sano jir ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in tuhmanayaasha laga soo qabtay magaalada Isiolo waxaana hadda socdo baaritaan dheeraad ah.