Labo qof oo loo xiray inay iska dhigayeen saraakiisha EACC

0
547

Ciidamada booliska ee dalka ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysanayaal oo loo haysto inay si been abuur ah ugu shaqeysanayeen inay ka mid yihiin saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Tuhmanayaasha ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi sida ku cad bayaanka waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Labadan qof ayaa la xiray ka dib markii ay tageen xafiiska ganacsade lagu magacaabo Issac Wandere iyagoo sheeganaya inay baaritaano ku hayaan khiyaano dhanka dhulalka ah.
Waxay ganacsadaha ka dalbadeen inuu laaluush bixiyo si looga fududeeyo dacwad ay ku andacoodeen inuu wajahayo.
Shakhsiyaadkan ayaa hadda ku jiro gacanta laamaha ammaanka oo sameynaya baaritaano iyo dabagal dheeraad ah.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Gordwins Agutu iyo David Mburu halka aan weli la soo qaban dad kale oo la socday.
Qoraalka DCI, ayaa muujinaya in Agutu uu horay isaga dhigay sarkaal sare oo dowladeed .
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii la qabtay xilli uu ku andacoonayay inuu yahay taliye sare oo ka howlgalo xarunta waaxda dambi baarista.
Waxaa uu xilligaasi sitay labo kaar oo shaqo oo muujinaya inuu ka mid yahay maamulka sare ee KRA iyo laanta qaabilsan xakameynta isticmaalka dawooyinka .
DCI ayaa laga soo xigtay in Gordwins Agutu oo sheegaya inuu yahay kormeeraha maamulka PPB uu albaabada isugu dhuftay dhowr xarumood oo caafimaad oo uu ku eedeyay inaysan buuxin shuruudaha laga doonayo.
Agutu iyo saaxibkiis ayaa sidoo kale ku eedeysay in 26-kii bishii hore ee sanadkan ay isku dayeen inay afduubtaan mulkiilaha goobta lagu caweeyo ee Sidai Oleng , John Ngugi.
Cid kasta oo ay labada eedeysane horay dhibaato ugu gaysteen ayaa laga dalbaday inay warbixin u gudbiso qaybta waaxda DCI-da u qaabilsan la tacaalidda dembiyada culus.
Waaxda dambi baarista ayaa dadweynaha ku boorrisay inay fiiro gaar ah u yeeshaan dadka iska dhiga inay ka tirsan yihiin maamullada dowladda si ay u khiyaanaan cidda aan ka shakin.
Warbixinta la xiriirta iskudayada noocan ah ayaa lagu gudbin karaa nambarka ah 0800 722 203 iyadoo aan xogtaada khaaska ah la helin.