Labo qof oo lagu dilay iskahorimaadyo ka dhacay Angata Barrikoi, ee koonfurta Transmara

0
68

Laba nin oo da’ dhexaad ah ayaa lagu dilay iskahorimaadyo cusub oo ka dhacay Angata Barrikoi, ee koonfurta Transmara.
Lix qof ayaa sido kale ku dhaawacmay dhacdadan iyagoo lagu daaweynayo isbitaalada Transmara.
Waxaa sido kale dab la qabadsiiyay beero,iyadoo laga cabsi qabo in iskahorimaadka uu sii xoogaysto.
Laamaha ammaanka ayaa hawlgalo ka wada goobihii lagu dagaalamay.