Labo qof oo ku eedeysan ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan oo gacanta lagu dhigay

0
364

Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo ku eedeysan ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.
Howlgal qorsheysan oo ay saraakiisha DCI-da sameeyeen ayaa shakhsiyaadkan laga soo qabtay kaalin shidaal oo ku taalla deegaanka Ruiru, gaar ahaan waddada Eastern Bypass ee magaalada Nairobi.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Anthony Ndirangu Wanjiku iyo Sabiri Kalicha.
Waxaa lagu soo qabtay daroogada nooca loo yaqaano Cocaine-ta iyo maandooriyaha Xashiishka.
Eedeysanayaasha ayaa qorsheynayay in daroogada lagu qabtay ay iibiyaan.
Saraakiisha dambi baarista oo muddo saacado ah ku raadjoogay tuhmanayaasha, ayaa la qabtay xilli ay isku diyaarinayeen inay la kulmaan qof doonayay inuu ku iibsado daroogada.
Labada eedaysane ayaa hadda ku jira saldhig booliis, iyadoo lagu wada in maxkamad la soo taago ka dib marka baaritaanada la soo gabagabeeyo.
Dhanka kale, saraakiisha waaxda DCI-da ayaa ku raadjooga shakhsiyaadka kale ee doonayay inay iibsadaan daroogada, kuwaas oo la aqoonsaday.