Labo qof oo bartilmaameedsanayay ganacsatada Mpesa ee Embu oo la xiray

0
329

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo lagu kala magacaabo Jackline Mwende iyo Evans Ngui.
Waxaa lala xiriirinaya falal khiyaano ah oo lagu bartilmaamedsaday xarumaha bixiya adeegga lacagaha la isugu diro ee Mpesa ee ismaamulka Embu.
Labada ruux ayaa la qabtay ka dib howlgal la sameeyay .
Ciidamada ayaa ogaaday in tuhmanayaasha ay faragelinayeen leemanka taleefoonnada lagu isticmaalo iyadoo lacago badan ka dhacay dad dhibbanayaal ah.
Howlgalka ayaa soo billowday 18-kii bishan ka dib markii laga war helay in labada ruux ay iska dhigaan wakiillada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom iyagoo bartilmaameedsada ganacsatada leh xarumaha bixiya adeegga Mpesa ee Embu.
Waaxda dambi baarista ee dalka laanteeda Embu ayaa ganacsatadan iyo kuwa kaleba ku boorriyay inay aad u feejignaadaan oo aan lagu khiyaamin xeeladaha kala duwan iyadoo uu qofku sheeganaya inuu matalo shirkad magac leh.