Labo ka mid ah garsoorayaasha uunan magacaabin madaxweynaha oo ka hadlay go’aankii uu qaatay

0
410

Garsoorayaasha kala ah George Odunga iyo Joel Ngugi oo ka mid ahaa 6 xaakin oo uunan magacaabin madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay mowqifkii uu qaatay hoggaamiyaha wadanka.
Waxay sheegeen in ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loogu faahfaahin sababta aynan uga mid noqon 34 madaxweynaha uu ku soo daabacay wargayska rasmiga ee dowladda.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu madaxweynaha u gudbiyay liis ka kooban 41 garsoorayaal oo mid ka mid ah uu geeriyooday.
Mr.Kenyatta ayaa liiskaasi ka soo xushay 34 ku biiraya maxkamado kala duwan taasoo dhalisay hadal hayn ballaaran oo ku aaddan sababaha uu u cuskaday inuu 6 ka tago.
George Odunga iyo Joel Ngugi ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda aynan fahansanayn sababta uu madaxweynaha ku diiday in la dallacsiiyo oo ay ka mid noqdaan xaakinnada ka howlgalo maxkamadda racfaanka.
Garsoore Odunga oo la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu gudbiyo dacwad uu kaga soo horjeedo go’aanka Mr. Kenyatta ayaa ku jawaabay inuunan weli tallaabadaasi ku fikirin.