Labo booliis oo loo xiray inay dhac gaysteen

0
220

Waxaa maxkamadda ismaamulka Isiolo la soo taagay labo ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka.
Saraakiishan ayaa ku eedeysan inay dhac gaysteen iyagoo awood adeegsanaya.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa magacyada labada askari ku kala sheegay David Irungu iyo Xasan Liibaan Xasan.
Waxay sidoo kale ku eedeysan yihiin inay lacag laaluush ah oo dhan 50,000 oo shilin ka dalbadeen eedeysane degmada Merti loogu xiray tuhun laga qabo oo ah inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.
EACC ayaa sheegtay inay shardi ka dhigeen in tuhmanaha uu bixiyo lacagta laaluushka ah si loo siidaayo.
Sidoo kale labada sarkaal ayaa qofkaasi ka dhacay lacag dhan 57,000 oo shilin.
Hasa ahaate waxay labaduba iska fogeeyeen eedeymaha loo jeediyay ee dhaca iyo laaluush qaadashada.
Maxkamadda Isiolo ayaa mid kasta ku siidaysay damaanad lacageed oo min 300,000 oo shilin ah.
Kiiska ay wajahayaan ayay maxkamaddu dhageysan doontaa 27-ka bisha Shanaad ee sanadkan.