Waxaa xabsiga la geeyay labo ka mid ah ciidamada booliiska ka dib markii lacag dhan 500,000 oo shilin laga dhacay deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Saraakiisha ayaa ku eedeysan inay ku lug lahaayeen falkaasi awoodda loo adeegsaday.
Ciidamada ayaa ka howlgalo saldhigga booliiska ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa la qabtay ka dib markii ay dib ugu laabteen goob ay galinkii hore ee maalinkaasi ka gaysteen dhaca.