Labo booliis ah oo lagu dilay Tharaka Nithi

0
313

Waxaa lagu soo warramayaa in dad shacab ah oo careysan ay xalay fiidkii ismaamulka Tharaka Nithi ku dileen labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada booliiska.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Kanthanje.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan Tharaka Nithi Julius Arap Too ayaa warbaahinta u sheegay in labada askari ay tageen xarun Mpesa ah iyagoo isku dayey inay xiraan ganacsadaha goobtaasi taasoo muran dhalisay.
Tani ayaa timid ka dib markii ganacsadaha uu qayliyey isagoo sheegaya in saraakiisha ay tuugo yihiin waxaana markiiba ku soo xoomay oo ka takhalusay shacabka aaggaasi ku nool.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhaawac soo gaaray ganacsadaha oo hadda lagu daaweynaya isbitaalka Mater Hospital.
Taliyaha saldhigga booliiska ,Joseph Muchiri ayaa sheegay inay baaritaano socdaan balse aan weli si buuxda loo aqoonsan labada askari ee la dilay.