Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya

0
384

Waxaa gor dhow la filayaa in xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya uu ka furmo kulanka labada gole ee looga doodayo maanta wax ka beddelka Dastuurka Soomaaliya.
Xubno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiin hore dalka xilal uga soo qabtay ayaa arrintan walaac ka muujinaya.
Waxaa ay sheegeen in xilligan aynan habbooneyn in lagu mashquulo wax ka beddel dastuur iyo wax la mid ah, maadaama ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo Soomaaliya kala dhexeysa Itoobiya, dagaalka dowladdu kula jirto Al-Shabaab iyo arrimo kale oo muhiim ah waa sida ay ku doodayaan siyaasiintu.