Laba sarkaal oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow

0
113

Saddex qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo booliis ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Moscow, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka.
Labo askari oo ka tirsan booliiska waddooyinka ayaa arkay qof laga shakiyay meel u dhow gaari booliis oo marayay waddada Yeletskaya Street ee magaalada, markii ay u tageen tuhmanaha si ay u xiraan, waxaa la qarxiyay walxaha qarxa, guddiga baaritaanka Ruushka ayaa sidaas sheegay.
Labada askari ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray, waxaana la socday shaqsi kale oo goobta taagnaa.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii Jeneraal sare oo Ruush ah lagu dilay qarax baabuur oo Isniintii ka dhacay caasimadda.
Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa wariyeyaasha uga warbixiyay qodob kasta oo ka mid ah qorshaha nabadda Mareykanka ee lagu soo bandhigay Miami maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in jawaab laga filayo Moscow maanta.
Dhinaca kale, dhulka Ukraine, ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay weerarradii Ruushka uu ka geystay gobolka Zaporizhia, sida uu sheegay guddoomiyahoodu.