Laba qof oo weerar gaystay oo lagu dilay Kisumu

0
435

Labo qof oo looga shakisan yahay in ay burcad yihiin ayaa xalay lagu dilay deegaanka Tumaini oo ka tirsan degmada Nyalenda ee ismaamulka Kisumu kadib isku day dhac oo la fashiliyay.
Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, saddex ruux oo watay mooto ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday haweeney wadada mareysay, iyagoo ku weeraray bir ka hor inta aysan ka qaadin boorsadeeda iyo taleefankeeda.
Dhacdadan ayaa keentay in dadweynihii goob joogga u ahaa weerarka ay qeylo dhaan ka soo saaraan.
Laba qof ayaa isla goobta lagu dilay halka Ninkii saddexaad ee la socday ay u suurta-gashay inuu goobta ka baxsado isagoo saaran Mootada.
Burcada ayaa gabadhii ay weerarka u gaysteen waxaa soo gaaray dhaawacyo taasi oo loola cararay isbitaalka.
Booliska ayaa bilaabay baadi goobka tuhmanaha haray.