Laba qof oo lagu toogtay Magaalada Rafah

0
541

Ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay dad isku dayayay in ay gaaraan xarun gargaar oo u dhow Magaalada Rafax, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan laba qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.
Tobaneeyo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rasaasta Israa’iil.
Shalay ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Israel rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo isku dayayay inay galaan xarumo gargaar oo dhowaan la sameeyay, iyadoo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 20.
Dhinaca kale hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Qaza ay tahay “meesha ugu gaajada badan iyadoo 2.3 milyan oo qof ay wajahayaan gaajo xili israa’iil ay sii xoojisay duqeymaheeda ka dhanka ah falastiiniyiinta.