Laba qof oo ku dhintay dab ka kacay guri ku yaal Kitale

0
48

Laba qof ayaa ku dhintay halka hanti aan la garanayn qiimaheedu ay ku burburtay dab xalay ka kacay aagga Makunga, oo ku yaal duleedka magaalada Kitale, ee ismaamulka Trans Nzoia.
Masiibadii dhacday abbaare 9-kii fiidnimo ayaa galaafatay nolosha haweeney da’ dhexaad ah iyo milkiilaha goobta.
Sida laga soo xigtay dadka deriska ah, sababta dabka weli lama xaqiijin balse booliiska ayaa bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdada.