Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka toddoba kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii dhisme weli dhismihiisu socday uu ku dumay agagaarka kaniisadda Karen Community Church ee waddada Ngong Road ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijisay dhacdadan, iyadoo sheegtay in saddex qof laga soo badbaadiyay goobta, halka dadka dhaawacmayna loola cararay xaruumaha caafimaadka. Waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay in dad kale ay ku hoos jiraan burburka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dabaqa koowaad uu dumay xilligii lagu jiray diyaarinta iyo shubista saldhigga saqafka laga galo dhismaha.
Ilaa hadda, tirinta shaqaalaha goobta ka shaqeynayay ayaa la sameeyay, waxaana la xaqiijiyay dhammaan shaqaalihii kale marka laga reebo labada qof ee geeriyooday.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli ku sugan goobta, iyagoo wada howlaha samatabbixinta iyo baaritaanka.
Dhacdadan ayaa imanaysa maalmo ka dib markii dhisme 12-dabaq ah uu ku dumay xaafadda South C, taas oo sababtay dhimashada laba qof.
Khubaro ka tirsan waaxda dhismaha iyo injineernimada ayaa mar kale ku baaqay in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan dhameystiran, iyagoo sheegay in masuuliyiintii oggolaaday in dabaqyo dheeraad ah lagu daro dhismaha South C ay tahay in lala xisaabtamo, maadaama ay jebiyeen xeerarka xirfadeed.
Sidoo kale, ururka shaqaalaha dhismaha ayaa shaaciyay in in ka badan boqolkiiba 85 dhismayaasha ku yaalla magaalada Nairobi aysan ku habboonayn in lagu noolaado.




