Laba meyd oo kale oo la soo saaray iyadoo dabkii ka kacay warashadda furaashka ee Thika uu sababay dhaawacyo kala duwan

0
753

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee magaalada Thika ayaa laba meyd oo kale ka soo saaray warshadda furaashka ee xaafadda Makongeni taasoo oo shalay uu ka kacay dab xooggan.
Mas’uuliyiinta waxay xaqiijiyeen in meydadka la helay intii lagu jiray dadaallo baaritaan oo ay wadeen waaxda dab damiska iyo kooxaha samatabbixinta, iyagoo ka shaqeynayay sidii loo ogaan lahaa dhammaan shaqsiyaadkii ku jiray gudaha warshadda xilligii uu dabka kacay.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, afar dhibanayaal ah ayaa la dhigay Isbitaalka Heerka 5-aad ee Thika, halkaas oo lagu daweynayay ka dib dabka.
Hal bukaan oo qaba dhaawacyo halis ah ayaa loo gudbiyay Isbitaalka Qaran ee Kenyatta si loogu sameeyo daryeel gaar ah, halka laba bukaan oo kale oo hore loo daweeyay la sii daayay ka dib markii xaaladdooda soo hagaagtay.
Dabka ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo soo gaaray dadkii ugu horreeyay ee ka qayb qaatay howlgalka samatabbixinta.
Saddex qof oo ka tirsan waaxda dab damiska oo ku dhaawacmay la dagaallanka dabka ayaa lagu daweeyay Isbitaalka Heerka 5-aad ee Thika.
Dabku ayaa dhaliyay qiiq culus waxaa uuna waxyeello xooggan gaarsiiyay warshadda, taasoo ka dhigtay inta badan hantida mid aan la badbaadin karin.
Dadaallada jawaab celinta ee ugu horreeyay ee Waaxda Dabdamiska ee ismaamulka Kiambu ayaa lagu kabay caawimaad ka timid waaxda dabdamiska ee dowlad deegaanka Murang’a.
Jawaab celinta wadajirka ah ayaa suurtagelisay in kooxaxa dabdamiska ay xakameeyaan dabka oo ay sameeyaan howlgallo soo kabasho ah.
Mid ka mid ah shaqaalaha dabdamiska ayaa ku boorriyay milkiilayaasha warshadaha inay ku daraan meelaha laga baxo ee degdegga ah si ay shaqaalaha warshadda u baxsadaan haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.