Laba eedeeysane oo lagu toogtay Siaya halka sarkaal ka tirsan DCI-da uu dhaawac soo gaaray

0
373

Labo qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcad ayaa la toogtay habeenimadii Talaadada xilli ay isku dayeen inay dhac ka geystaan magaalada Yala ee ismaamulka Siaya.
Sarkaal ka tirsan Waaxda dambi baarista (DCI) ayaa sidoo kale ku dhaawacmay iska horimaadka.
Sida ay booliiska sheegeen labadan nin oo da’ dhexaad ah ayaa abaaro 10:00 habeenimo soo weeraray dukaan iyaga oo isku dayay in ay dhacaan gabadha dukaanleyda ah.
Taliyaha Booliiska maamul hoosaadka Gem Yala, Charles Wafula, ayaa sheegay in tuhmanayaasha ay damceen inay goobta ka baxsadaan, kadibna ay bir ku garaaceen askariga, iyagoo xabadka dhaawac ka gaarsiiyay.
Askariga oo is difaacaya ayaa rasaas ku furay, isagoo goobta ku dilay labada eedeeysane.
Meydadka labada qof ayaa la dhigay goobta meydadka lagu keydiyo ee isbitalka degmada Yala, iyadoo askariga dhaawaca ahna la dhigay isla xaruuntaas caafimaad.
Mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa magaciisa lagu sheegay Charles Odhiambo Ojwang’ oo ku magac dheer ‘Buda’, iyadoo aan weli la aqoonsan aqoonsiga tuhmanaha labaad.