Laamaha ammaanka oo qabtay xashiish qiimihiisu yahay 1.94 milyan

0
528

Laamaha ammaanka ee deegaanka Rongo ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka.
Ciidamada ammaanka ayaa qiimaha maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen ku sheegay 1.94 milyan oo shilin islamarkaana culeyskiisu yahay 194 Kilo.
Taliyaha booliska ee deegaanka Rongo Peter Okiring ayaa sheegay in eedeysanayaasha xashiishka ay kasoo buuxiyeen shan jawaan.
Waxaa uu intaa ku daray in saraakiisha ammaanka ay dhowr saacadood baacsanayeen ragga mandooriyaha siday.
Dhanka kale Mr.Okiring ayaa ka codsaday xubnaha bulshada inay booliiska ka taageeraan la dagaalanka daroogada ee ismaamulkaasi.