Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa ku ammaantay saraakiisha ammaanka dadaalka joogtada ah ee ay ku bixinayaan soo celinta nabadda iyo nolosha caadiga ah ee ismaamulka Laikipia.
Qoraal ay waaxdan soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka, ayay ku sheegtay in falcelin degdeg ah ay bixiyeen laamaha ammaanka iyo hay’adaha amniga ee loo diray dowlad deegaankaasi si ay u soo celiyaan xasiloonidii halkaasi.
Waxaa ay waaxdan intaasi ku dartay in laamaha amniga ay soo heleen 20 neef oo ari ah, kuwaas oo maalmo ka hor laga dhacay aagga Loniek, ee hoos timaada deegaanka Kirima ee ismaamulka Laikipia.
Hay’adaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in heleen xog ku saabsan in burcad hubeysan ay weerar ku qaadeen saddex wiil oo dhallinyaro ah oo daajinay 20-ka neef ee ariga ah ee la dhacay.
Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa sheegtay in laamaha amnigu ay si degdeg ah uga jawaabeen oo ay dib u soo celiyeen xoolihii la dhacay.
Dowladda dhexe ayaa bishii Sagaalaad ee ee sanadkii hore ku dhawaaqday in Laikipia ay tahay aag ay xaalad amni darro ka jirto, waxaana ay halkaasi ka billowday howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo ka dib markii ay kordheen weerarrada burcadda iyo dhaca xoolaha.
When the raiders realised they are being trailed, they abandoned the stock and fled away.
The 20 goats were recovered, escorted to Olmoran Police Station and handed over to the owner, Adoket Lenogou. pic.twitter.com/C8mI3A6pPw
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) July 17, 2022