Laamaha amaanka Bangal ee ismaamulka Tana River oo lagu soo wareejiyay hub sharci darro ah

0
404

Dadka degan Degmada Bangale ee ismaamulka Tana River ayaa si iskood ah u soo dhiibay shan qori oo sharci-darro ah (saddex AK-47 iyo laba qori oo G3 ah) iyo 13 xabbadood oo rasaas ah .
Waxaana lagu wareejiyay ciidamo amni oo isku dhaf ah oo ku sugan magaalada Madogo.
Hubkan waxaa la dhigay xabsi ammaan ah iyadoo la sugayo tallaabo maamul oo dheeraad ah.
Soo wareejinta hubka ikhtiyaariga ah waxay calaamad u tahay guul muhiim ah iyadoo guud ahaan dalka laga wado hindisaha hub-ka-dhigista dadka heysta hubka sharci darrada ah taas oo ujeedadiisu tahay in la xoojiyo badbaadada dadweynaha, nabadda, iyo amniga iyada oo loo marayo iskaashiga bulshada iyo kalsoonida.
Adeegga Booliska Qaranka wuxuu ku ammaanayaa xubnaha dadweynaha iyo hoggaanka maxalliga ah iskaashiga iyo jawaab celinta ay u hayaan amarka dawladda.
Qof kasta oo haysta hub sharci-darro ah waxaa lagu boorinayaa inuu ka faa’iidaysto muddada cafiska oo uuna laamaha ammaanka ku soo wareejiyo.
Adeega Booliska qaranka wuxuu sheegay inuu ka go’an yahay ilaalinta nolosha iyo hantida dalka oo dhan.