La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga oo raalli gelin ka bixiyey dhallinyaradii la dilay

0
228

La-taliyaha madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ee arrimaha dastuurka iyo xuquuqul aadanaha Prof. Makau Mutua oo xalay wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa raalli gelin ka bixiyey dilalkii iyo dhaawacyadii loo gaystay qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qayb qaatay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Wuxuu dhacdooyinkii sanadkii 2024-kii iyo sanadkan 2025-ka ku tilmaamay kuwo aad looga xumaado isagoo carrabka ku adkeeyay in iskudhacyadii dhex maray booliiska iyo shacabka aan laga sii baaran degin.
Prof. Makau Mutua oo ah guddoomiyaha guddiga khuburrada ee dhawaan loo dhaariyey in ay magdhow siiyaan qoysaska dhiibanayaasha ayaa sheegay in dowladda ay ka qoomamoonaysa dilalkii iyo dhaawacyadii ka dhashay mudaaharaadyada.
Wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay taageeraan qorshaha bixinta magdhowga isagoo caddeeyay in la xaqiijin doono in ay caddaalad helaan dhiibanayaasha sidoo kalena laamaha ammaanka lagula xisaabtami doono waxyeelladii ay gaysteen.