La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha oo sheegay in isbuuca dambe la bixinaya mushaarka shaqaalaha

0
268

David Ndii oo ah la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo la bixin doono mushaaraadka weli aynan helin shaqaalaha dowladda .
Ndii oo ah guddoomiyaha golaha madaxweynaha kala taliya dhaqaalaha ayaa hoosta ka xarriiqay in howlwadeennada dowladda aynan helin mushaarkii bishii hore maadaama ay jirto caqabad dhaqaale.
Wareysi uu xalay siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu ku sheegay in xaaladda taagan ay tahay mid iska caadi ah oo aan walaac laga muujin karin.
Ndii ayaa ku celceliyay in dowladdu ay bixinaysa deymo badan taasina ay keentay caqabadda jirta.
Waxaa uu culeyska dowladda haysta la barbardhigay culeyska dhanka dhaqaalaha ee soo foodsaaro in badan oo shacabka ka mid ah bisha koowaad ee sanadka marka dib loo furo dugsiyada.
David Ndii ayaa intaasi ku daray in sanadkii hore ay dowladdu qorsheysay inay suuqyada caalamiga ka hesho ballaayiin doolar balse taasi laga dib dhacay oo aynan suurtagelin.
Aqoonyahaanka ayaa xusay in dowladdu ay toddobaadkan ama midka dambe dhammaadkiisa rajeynaysa amaah lacageed oo gaaraysa ilaa 500 oo milyan oo doolar.
Waxaa uu shaqaalaha dowladda u xaqiijiyay inay mushaarkooda heli doonaan dhammaadka isbuuca dambe.
In kastoo dib u dhacan uu walaac ku beeray howlwadeennada haddana David Ndii ayaa ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan maadaama sida uu sheegay dowladdu ay ku howlan tahay xal u helidda caqabadda dalka ka jirta.