Waxaa gacanta lagu soo dhigay saddex maxaabiis ah oo dhawaan ka baxsaday xabsiga wayn ee Kamiti .
Waaxda dambi baarista dalka ayaa sheegtay in shakhsiyaadkan oo ku eedeysna argagaxisonimo lagu qabtay ismaamulka Kitui ee bariga dalka.
Mr. George Kinoti , agaasimaha waaxda dambi baarista ayaa xaqiijiyay in saaka gacanta lagu dhigay Maxamad Cali Abikar, Joseph Juma Odhiambo iyo Musharaf Cabdalla Akhulunga oo maalmo baxsad ahaa taasoo sababtay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shaqada ka joojiyo guddoomiyihii guud ee waaxda asluubta wadanka.




