Ciidamada waaxda adeegga duurjoogta ee KWS ayaa gacanta ku dhigay Shabeel soo baxsaday kaas oo argagax ka abuuray dadka ku nool ismaamulka Kajiado.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo bateen weerarrada ay xoolaha duurjoogta ah gaysanayaan.
Waaxda KWS ayaa sheegtay in maanta xayawaanka Shabeelka uu dhibaato ka gaystay tuulooyinka hoos yimaada dowlad deegaanka Kajiado.
KWS ayaa intaasi ku dartay in Shabeelka uu mari doono baaritaan ka hor inta aan dib loogu celin goobtii uu ka soo baxsaday.
Dadka deegaanka ayaa laga codsaday in ay soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira xayawaannada soo baxsada, kuwaas oo khatar ku ah badqabka shacabka iyo xoolahaba.
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xilli feejignaan dheeri ah laga dareemayo deegaannada xuduudka la leh ismaamulka Kajiado, xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay gaysanayaan duurjoogta.