Kwale: 2 qof oo loo xiray ka ganacsiga maandooriyaha

0
157

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in labo ruux lagu xiray Diani oo ka tirsan ismaamulka Kwale .
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada booliiska ay halkaasi ku arkeen shaybaarka xashiishka oo lagu tilmaamay mid qarsoodi ah.
Gianardi Giuliano oo u dhashay Talyaaniga da’diisuna ay tahay 37 sano jir iyo Moses Nanoka Egadwa ayaa ku eedeysan in ay hirgeliyeen goobtaasi.
Waxaa soo xiray saraakiisha waaxda la dagaallanka maandooriyaha ee (ANU) iyo booliiska oo howlgal ka sameeyay dhul ah ilaa hal eekar oo ku yaalla tuulada Mwabungo ee Ukunda.
Ciidamada ayaa xusay in labada qof la soo qabtay ka dib maalmo la sameynayay kormeer iyo uruurinta xogo sirdoon.
Howlgalka ayay ku tilmaameen mid si habsami leh loo agaasimay.
Laamaha ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in baaritaanno dheeraad ah lagu helay agabka sheybaarka iyo kiimiko ay eedeysanayaasha u adeegsanayeen sameynta xashiishka.
Tuhmaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in ay ka go’an tahay burburinta shabakadaha daroogada si kenyaanka looga badbaadiyo saameynta balwadda iyo ka ganacsigeeda sharci darrada ah.