Baarlamaanka Kuuriyada Waqooyi ayaa ansixiyay qaraar lagu soo afjaraya dhammaan heshiisyada iskaashiga dhaqaale ee dowladda wadankaasi kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu sii xumaanaya xiriirka labada dal ee dariska ah.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii bishii hore xukuumadda Pyongyang ay Seoul u aqoonsatay cadowgeeda ugu wayn.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee (KCNA) ayaa ku warramaysa in meesha laga saaray heshiiskii inter-Korean economic cooperation.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiis ku saabsanaa mashruuca dalxiiska ee Mount Kumgang kaasoo soo billowday horraantii 2000.