Kuuriyada Waqooyi oo gantaal adeegsatay

0
229

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa adeegsatay gantaal laga shakiyay inuu ka mid yahay noocyada riddada dheer.
Saraakiisha dowladaha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa laga soo xigtay in gantaal laga soo tuuray dhanka xeebta xukuumadda Pyongyang.
Dowladda Japan ayaa arrinkan cambaareysay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Japan ,Fumio Kishida galinka dambe ee maanta uu caasimadda dalka Lithuania ee Vilnius uu kula kulmayo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed , Yoon Suk-yeol.