Kuuriyada waqooyi oo baaq u dirtay qaramada midoobay

0
262

Kuuriyada Waqooyi ayaa qaramada midoobay ka codsatay inay dalbato in dowladaha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ay soo afjaraan dhoolatuska militari ee ay si wadajir ah u sameeyaan.
Waxaa baaqan soo saaraya ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Pyongyang, Kim Son Gyong.
Bayaanka uu maanta la wadaagay warbaahinta ayuu ku xusay in dhoolatuska militari ee labada dal ay abuureen xiisad gaartay heer sarreeya oo khatar ah.
Waxaa uu xusay in qaramada midoobay iyo beesha caalamka laga doonayo inay si awood leh Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka uga dalbadaan inay howlaha militari ee wadajirka ah iyo hadallada daandaansiga ay si degdeg ah u joojiyaan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Jimcihii la soo dhaafay saraakiil matalaya xukuumadaha Seoul iyo Washington ay sheegeen inay in 10 cishe qaban doonaan dhoolatus militari oo ballaaran.
Howlahan ayaa soconaya inta u dhexeysa 13-ka ilaa 23-ka bishan Saddexaad.