Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo warramayaa inay kordhisay muddada ay sii shaqeynayaan xayiraadaha ay ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID-19.
Laga billaabo maanta , waxaa muddo labo cisho ah sii jiri doono xeerka loo dejiyay xaqiijinta kala fogaanshaha bulshada ee dalkaasi.
Sidoo kale waxaa sii shaqeynaya bandowga jira laga billaabo 9-ka fiidnimo ee la saaray maqaayadaha , meelaha jimicsiga iyo goobaha lagu caweeyo.
Go’aammadan ayaa loo aaneeyay inay kordheen xaaladaha caabuqa corona ee Kuuriyada Koonfureed.
Maamulka xakameynta iyo ka hor tagga cudurrada ee dalkaasi ayaa maanta shaacisay xaalado cusub oo corona oo gaaraya 27,443 iyo 24 kiis oo dhimasho dheeraad ah.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Kim Boo-kyum ayaa ku dhawaaqay isbeddelladan iyadoo muddadii horay loo qabtay ee xayiraadaha ay ku ekeyd maalinta Axadda.
Ku dhawaad boqolkiiba 86 ee dadweynaha halkaasi ku nool oo ay tiradoodu tahay ilaa 52 milyan oo qof ayaa si buuxda looga tallaalay cudurka COVID-19.
Si guud, Kuuriyada Koonfureed waxaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay 934,656 oo ah xaaladaha cudurka COVID-19 iyo dhimasho dhan 6,836 .