Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay fududeyn doonto amarrada lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19 oo ay ka mid tahay kala fogaanshaha dadka.
Sidoo kale waxaa ilaa 6 qof loo oggolaanayaa in ay ka qayb galaan kulamada khaaska ah.
Hadda 4 ruux keliya ayaa loo ogolyahay in ay hal meel isugu tagaan.
Isbeddelkan cusub ayaa dhaqan gelaya koowda bisha toddobaad ee sanadkan sida laga soo xigtay dowladda Kuuriyada Koonfureed.