Shacabka Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeynaya madaxweyne cusub ka dib bilo ay socdeen qalalaase siyaasadeed.
Doorashadan degdegga ah ayaa ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay madaxweynihii hore ee dalkaas Yoon Suk-yeol oo ku saabsanaa ku dhawaaqistiisii uu muddada gaaban awood buuxdo ku siiyay militariga wadddankaas bishii December ee sanadkii hore.
Sida laga soo xigtay ra’yi ururin, musharraxa ugu cadcad doorashada ayaa ah Lee Jae-myung ee xisbiga Dimuqraadiga.
Qiyaastii 44.4 milyan oo qof oo ku nool waddanka 52 milyan ah ayaa xaq u leh inay codeeyaan.