Kuuriyada Koonfureed oo laga diiwaangeliyay 668 oo ah xaaladaha cusub ee corona

0
629

Xarunta Kuuriyada Koonfureed u qaabilsan xakameynta iyo ka hor tagga cudurrrada ee KDCA ayaa maanta shaacisay in ay xaqiijisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19 oo gaaraya 668.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga xaqiijiyo wadankaas saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee Kuuriyada Koonfureed ayaa hadda ah 106,898 halka cudurka ay halkaas ugu dhinteen 1,756 qof.
In ka badan boqolkiiba 63 ee xaaladaha cusub ee caabuqa waxaa laga diiwaangeliyay Seoul oo ah caasimadda dalkaas.